Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

0
622

Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

Alexandra iyo Calder waa mataano jira 19-bilood, waana wiil iyo gabar balse waxaa cajiib ah isku aabe ma ahan. haddaba, sidee suuragal ku noqotay?

Gabadhan Alexandra aabeheed Simon ayaa la yiraahdaa, halka walalkeed Calder uu dhalay Graeme.

Balse sidee ayay macquul ku tahay in mataano wada dhashay ay yeeshaan labo aabe oo kala duwan?

Saddex waalid iyo labo caruur ah

Waa Simon iyo Graeme oo la sawiran hooyada ilmaha u dhashay ee Meg Stone, iyo waliba carruurtooda
Image captionWaa Simon iyo Graeme oo la sawiran hooyada ilmaha u dhashay ee Meg Stone, iyo waliba carruurtooda

Markii Simon iyo Graeme Berney Edwards ay go’aansadeen inay noqdaan waalidiin, howl culus ayaa ka hortimid.

Waxay ka mid yihiin labadan aabe lamaanayaal aad u tiro yar oo Britain ku sugan kuwaasi oo doortay bacrimin lagu sameeyo barnaamijka isku darka ugxaanta iyo biyaha ragga.

Hannaankan ayaa muddo qaatay wuuna adkaaday, si loo bilaabana waxay u baahdeen in mid walba uu keeno ugxaan gaar ah si loo bacrimiyo.

Daawo: mataano 19 sano isku dhagganaa

Qorshahoodii hore waxuu ahaa inay dhalaan labo carruur ah oo kala hooyo ah, balse hay’adda ka caawineysay kaalmeynta ayaa u sheegtay inay suuragal tahay inay calool galaan labada ilmood hal mar, waliba hal hooyo uurka ku qaaddo.

Inkastoo Simon iyo Graeme ay deggan yihiin UK, haddana dibedda ayay kaalmo u raadsadeen.

Ukumaha ayaa la talaalay waxaana loo qeybiyay labo qeybood: qeyb waala bacrimiyay iyada oo la isticmaalo biyaha Simon oo ah mid ka mid ah aabayaasha, tan kalena iyada oo la isticmaalayo biyaha Graeme.

Makrii hore waxaa la qaaday ugxan ka dibna waa la qaboojiyay iyada oo markaasi lagu beeray hooyo si kumeel gaar ah loo kireystay, taasi oo gudaha Canada ilmaha caloosha ku qaadeysa.

Hooyo u dhalatay Canada oo ilmaha caloosha ku qaadday

Simon Berney-Edwards
Image captionSimon Berney-Edwards ayaa sheegay inuu ka fekerayo inuu dhalo carruur kale

Sidaasi darteed, labada ilmood ee uurka ku jira waxay ahaanayaan kuwo isku hooyo ah, balse kala aabe ah, waxayna si isku mid ah ugu korayaan caloosha hal hooyo oo lagu magacaabo Meg Stone, oo ah haweeney u dhalatay Canada, taasi oo oggolaatay inay noqoto hooyada kumeelgaarka ah ee carruurta Simon iyo Graeme.

“Waxaan doorranay Canada sababto ah waxaan jecelnahay sharciyaddooda,” ayuu yiri Simon oo ah mid ka mid ah aabeyaasha. “Waa xaalad la mid ah tan UK, ma ahan wax la jecelyahay. ma ahan wax laga ganacsado.”

Haatanse labada aabe ee kala ah Simon iyo Graeme waxay dib ugu laabteen UK, iyagoo sugaya in akhbaar uga timaado Canada. Sida uurkan ma haggaagi doonaa? oo ilmuhu si nabad ah maku dhalan doonnaan?

Ugu dambeyntii waxay heleen khabarkii ay sugayeen oo waala soo wacay.

“Waxyaabo badan ayaa ka guuxayay maskaxdeena,” ayuu yiri Graeme. “Aad iyo aad baan u faraxnay, aad iyo aad waliba.”

Simon iyo Graeme waxay la socdeen xaalka uur ku jirtooda iyaga oo ka fog, balse waxay dib ugu safreen Canada lix toddobaad ka hor inta ilmuhu aysan dhalan.

Labada aabe way madax adkaayeen waxayna doonayeen inay xiriir la yeeshaan hooyada caloosheeda ilmaha ugu siday, maadaama aysan suuragal u ahayn inay marwalba la joogaan.

Haddaba aabeyaashan ma doonnayaan in carruur kale ay sidaan ku dhalaan?

Inkastoo Simon iyo Graeme ay marwalba farxad u tahay inay carruur helaan balse way adag tahay inay mar kale sidaan sameeyaan.

“Abid ha cusleysan wax walba,” ayuu yiri Simon oo dhoolacaddeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here