Shabaab oo sheegtay saddex askari inay ku dileen duqeyn ay ku garaaceen Garoonka Ballidoogle

0
535
"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Shabaab oo sheegtay saddex askari inay ku dileen duqeyn ay ku garaaceen Garoonka Ballidoogle

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay saddex askari oo Mareykan ah inay ku dileen duqeyn madaafiic aheyd oo ay ku qaadeen Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay saddexdaasi askari inay ku dhinteen duqeynta, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 askari sida ay sheegteen.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan in duqeyntaasi ay ku dileen saddex askari, sidoo kalena Shan kale ay  ku dhaawaceen.

Xoogaga Shabaab ayaa shalay barqadii tiro madaafiic ah ku weeraray Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo fariisin Ciidan ay ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa dhawaan sheegay inay kordhiyeen weerarka duqeynta ah ee ay la eeganayaan Saldhigyada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here