Madaxweynaha HaitiJovenel Moise oo sheegay in uusan xilka iska casili doonin

0
484

Madaxweynaha HaitiJovenel Moise oo sheegay in uusan xilka iska casili doonin

Madaxweynaha HaitiJovenel Moise ayaa sheegay in uusan dalka uga tegi doonin inay maamulaan koox burcad ah oo ka ganacsado daroogada.

Hadalka madaxweynaha Haiti ayaa kusoo beegmayaa xilli dalkiisa ay ka taagnaayeen dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku eedeeyay madaxweyneMoise inuu geystay musuq maasuq, waxaa ay ugu baaqeen inuu xilka iska casilo.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa muwaadiniinta qaar ugu baaqay in si deg deg ah ay kaga soo baxaan dalka Haiti.

Canada waxay si kumeel gaar ah u xirtay safaaraddii ay ku leedahay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here