Al-Shabaab oo madaafiic ku garaaceen Saldhigga ugu weyn Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle

0
492

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaaceen Saldhigga ugu weyn Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle

Al-Shabaab ayaa sheegay inay saaka oo jimco ah weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Garoonkii Balli-doogle oo ah Saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Soomaaliya.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray saldhigga Balli-doogle.

Al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykan ee xasuuqa ka geysta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay

Lama sheegin faah faahin intaas ka badan, inkastoo saldhigga Balli-doogle uu labo qeyb u qeybsan yahay hadana lama oga madaafiicda halka ay ku dhaceen.

Saldhigga Balli-doogle ayaa qeybna waxaa lagu tababaraa Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, qeybna waxaa saldhig ku leh Ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha qumaatiga iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka.

Sanadkii hore Mareykanka ayaa ballaariyay saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here