Mareykanka oo sheegay in uu la xisaabtami doono shaqsiyaadkii dilay Jamal Khashoggi

0
568

Mareykanka oo sheegay in uu la xisaabtami doono shaqsiyaadkii dilay Jamal Khashoggi

Xukuumada Washington ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto baaritaanka dilkii loo geestay wariyihii Sacuudiga oo lagu magacaabi Jiray Jamal Khashoggi, sida uu sheegay xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo.

Kadib booqasho isniinta maanta ah uu ku tagay dalka Hungary ayaa uu sheegay in mareykanka uu la xisaabtami doono kuwii mas, uulka ka ahaa dilka Khashoggi.

Saxafigaan oo qormo ku daabici jiray majalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa 2-dii bishii April lagu dhexdilay qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Boqortooyada sacuudiga ayaa qirtay in Jamaal lagu dhex qaarijiyay dhismaha qunsuliyada, balse waxay beenisay in ay ka danbeeyaan madaxda boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee qoyska Jamaal ayaa wali baadi goob ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen meydkiisa oo wali maqan in ka badan afar bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here