Nigeria oo laga dareemayo diyaar garowga doorashada Madaxtinimo

0
721

Nigeria oo laga dareemayo diyaar garowga doorashada Madaxtinimo

Dalka ugu shacbiyada badan qaaradata Afrika ee Nigeria ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga loogu jiro doorashada madaxtinimo iyo mida dhexe ee kuraasta gobolada oo lagu wado in ay dhacdo maalinta sabtida ah ee todobaadka soo soo socda.

Gudiga doorashada ayaa diiwaan galiyay in ka badan 84 million oo codbixeyaal ah kuwaasi oo dooran doona madaxweyneย  360 mudane oo ka mid noqon doona golaha aqalka sare ee loo yaqaan Sanet-ka iyo 360 mudane oo xildhibaanada aqalka hoose.

Madaxweynaha haya talada Nigeria ayaa markiisii labaad u taagan xilka inkasta oo uu la kulmayo cadaadis xoogan iyo dhaleeceyn ku aadan sida uu wax uga qaban la yahay weerarada kooxda Boko Xaraam oo sii xoogeysanaya.

Gobolka Borno ee dhaca waqooyiga Nigeria ayaa waxaa ka barakacay boqolaal qoys bilowgii sanadkaan aynu ku gudo jirno ee 2019-ka, kadib baqdin xoogan oo kaga timid kooxda Boko Xaraam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here