Shirka Suuq geynta Shidaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacaya London iyo abaabulka banaan bax….

0
652

Shirka Suuq geynta Shidaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacaya London iyo abaabulka banaan bax….

Waxaa maanta lagu wadaa in Hotelka Clridges ee magaalada London uu ka dhaco shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qeyb galayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Batroolka iyo Shirkado daneeya shidaalka.

Shaki kala duwan ayaa ka soo baxay shirkaan iyo ujeedkiisa, iyadoo Xisbiyo mucaarad ah iyo siyaasiyiin ay sheegeen in shirkan uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, laguna iib geynayo illaa 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkan lagu soo bandhigayo kaliya sahmintii shidaalka la sameeyay, isla markaana aanu aheyn mid lagu xaraashayo.

Abaabulka banaan bax looga soo horjeedo banaan baxa ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada London, kaasoo ay wadeen dad Soomaaliyeed oo degan UK iyo dalalka Yurub, waxaa la filayaa in banaan bax ay ka sameeyaan banaanka Hotelka uu shirka ka dhacayo.

Olole lagu furfurayay banaan baxa la abaabulayay ayaa ka socday magaalada London, kaddib markii xubno dowladda taageersan ay tageen, isla markaana la kulmeen dhinacyada horboodaya banaan baxa.

Baraha bulshada ayuu qabsaday banaan baxa, iyadoo dad badan ay si adag uga fal celiyeen, waxaa isa soo tarayay tuhunka laga qabo shirkaan iyo xilliga lagu soo beegay, waxaana dadka badankood ka hadlayeen in shirkan la qabanayo iyadoo aanay dalka laheyn shuruucdii lagu maamuli lahaa shidaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here