Maxaad kala socotaa in dunidu waajahayso sannadihii ugu kululaa?!

0
718

Maxaad kala socotaa in dunidu waajahayso sannadihii ugu kululaa?!

Waxaa la saadaalinayaa in heerkulku shanta sano ee soo socota ay u badan tahay in uu noqdo ama ka sarreeyo 1C marka loo eego heerarkii warshadaha ka hor.

Waxa kale oo jira fursad yar oo mid ka mid ah shanta sano ee soo socota la arki doono heerkulka caalamiga ah oo si ku meelgaadh ah u dhaafsiisan 1.5C.

Sidoo kale arrintan ayaa loo arkaa inay tahay arrin muhiim u ah oo isbeddelka cimilada.

Haddii xogta dhabta ah iyo saadaasha isku mid noqdaan, tobanka sano ee socda laga soo bilaabo 2014-2023 waxay noqon doontaa midka ugu kulul in ka badan 150 sano oo ah inta la ogyahay ee diwaangashan.

Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C ama ka sarreeyo heerkii hore ee warshadaha, taas oo guud ahaan loo qaadaanayo si loo macneeyo heerkulka u dhaxeeyey sannadihii 1850 illaa 1900.

Sannad kasta tan iyo wakhtigaas, celceliska adduunka ayaa ku dhawaaday ama ka sarreeyay calaamadda 1C. Hadda, Xafiiska Met-ku wuxuu sheegayaa in ay dhici karto in ay sii socoto ama sii korodho shanta sano ee soo socota.

Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1CLahaanshaha sawirkaMET OFFICE
Image captionXafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C

Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto.

Sida oo kale waxa ay sheegayaan in laga bilaabo 2019 illaa 2023, la arki doono heerkulka oo u dhaxeeya 1.03C ilaa 1.57C ee ka sarreeya heerarka 1850-1900, iyada oo kulayl badan ahaanayo caalamku, gaar ahaan aagagga Arctic.

Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto.Lahaanshaha sawirkaMET OFFICE
Image captionXafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto.

Kooxda cilmi baarista ayaa sheegaysa in ay aad u cakirantahay saadaashooda sababtoo ah waayo-aragnimadii hore. Saadaashii hore ee kooxda, ee la sameeyay 2013-kii, ayaa saadaalisay heerka kulul ee degdegga ah ee la arkay shantii sano ee la soo dhaafay. Waxay xitaa saadaalisay qaar ka mid ah faahfaahinta yar ee la yaqaan sida sheyga qaboojinta ee lagu arkay Waqooyiga Atlantic iyo dhibcaha qaboobaha ee Badweynta Koonfureed.

Maxay ka yidhaahdeen goobaha kale ee cabbira isbeddelka cimilladu?

Saadaasha Metta ayaa soo baxaysa iyada oo dhowr hay’adood ay daabacayaan falanqeyntooda ku aaddan xogta oogada heerkulka laga bilaabo 2018, taasoo muujinaysa in sannadkaasi midkii afraad ee ugu kululaa illaa iyo inta diwaan gashan, tan 1850.

Hay’adda caalamiga ah Saadaasha Hawada ee (WMO) ayaa daabacday falanqeynta shan shey oo caalami ah oo muujinaya in 20ka sano ee ugu kululaa la diiwaangeliyey 22kii sano ee la soo dhaafay.

“nasiibdarro, saadaasha Xafiiska Met ma aha mid lala yaabo” ayay tidhi Dr Anna Jones, oo ah saynisyahan ku xeeldheer dhanka cimillada kana tirsan British Antarctic Survey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here