RASMI : 12 Xildhibaan oo katirsan Ismaamulka Soomaalida oo xasaanaddii laga qaaday

0
710

RASMI : 12 Xildhibaan oo katirsan Ismaamulka Soomaalida oo xasaanaddii laga qaaday

Kulan maanta Baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida uu ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa xasaanaddii looga qaaday 12 ka mid ahaa xildhibaannada Maamulkaas.

Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubnihii abaabulay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga ee sababay dhimashada dad gaaray 58 qof.

Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax ayaa dhawaan sheegay in uu fashilmay afgambi lagu doonayay in lagu sameeyo Maamulka cusub.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar ayaa isaguna todobaadkii la soo dhaafay sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku tilmaamay haraadiga Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaswadayaal ahaa.

Golaha Wasiirrada ee Ismaamulka Soomaalida ayaa todobaadkii hore xilkii Wasiirka Warfaafinta ka qaaday Guuleed Cali Kaahin oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa rabshadihii Jigjiga.

Madaxweynihii hore ee ismaamulka Somalida ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Adis ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa beeniyay eedaha loo heysto,waxaana uu ku dooday in ay abaabuleen kuwo dangaar ah ka leh Gobolka.

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in rabshadihii ka dhacay Jigjiga Bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 58 qof, dad ka badan 200 qofna ay ku dhaawacmeen.

Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday lama sheegin in la xirayo iyo in kale maaddaama xeer ilaalinta soo gudbisay 47 qof oo dambi ka galay gobolka kuwaas oo qaarkood xilal haya,kuwana ay dibadda u baxsadeen halka kuwo kale oo uu Cabdi ka mid yahayna ku jiraan gacanta Hay’adaha garsoorka.

Xildhibaannada Xasaanadda laga qaaday waxaa ka mid ah;

Ahmed Abdi (ilka case)

MARWO Sucaad ahmed Faarah

Mohamed Rashiid Isaaq.

Marwo Fartuun.

Mohamoud Heeryo.

Marwo Ayaan Gulaandhe.

Abdi Mahad.

Khadar Dheere.

Abdi Haliim.

Marwo Maajida.

Xildhibaan Miig.

Marwo Nasra Hassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here