DAAWO: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhagax Dhigey Dib U Dhista Wadada U Dhaxeysa Kala Baydh Iyo Hargeysa

0
974

DAAWO: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhagax Dhigey Dib U Dhista Wadada U Dhaxeysa Kala Baydh Iyo Hargeysa

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhis iyo Balaadhin lagu samayn doono waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo dherarkeedu dhan yahay 60KM, taas oo dayactir iyo ballaadhin lagu samayn doono.

Munaasibadda dhagax-dhigga waddadan oo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, Engineer-radda gacanta ku haya wadda, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya qorshaha xukuumadda ee ku aaddan inuu qaranku yeesho waddooyin casri ah oo tayo leh, kuwaas oo gaadiidku si nabadgelyo ah ku mari karo.

Image may contain: 10 people, people standing, wedding, suit and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, shoes and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 4 people, people smiling, suit

Waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley, ayaa dhererkeedu dhan yahay 60KM (Lixdan Kiiloomitir), waxana iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo midowga reer Yurub.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here