ICC oo amartay in la sii daayo madaxweynihii hore ee Ivory Coast

0
668

ICC oo amartay in la sii daayo madaxweynihii hore ee Ivory Coast

Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka ee ICC ayaa amartay in la sii daayo madaxweynihii hore ee wadanka Ivory Coast Laurent Gbagbo oo lagu eedeyay in uu geestay danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalkaas sanadkii 2010-kii.

Garsoorayaasha ICC ayaa Jimcihii shalay amray in la sii daayo hogaamiyihii hore iyo mid ka mid ah golihiisii hore ee wasiirada oo lagu magacaabo Charles Ble Goude oo isna ku xirnaa xabsi ku yaalย  magaalada Hague.

Labadaan shaqsi ayaa loo maxkamadeeyay in ay geysteen afar danbi oo ay ka mid yihiin kufsi dil iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee Laurent Gbagbo oo 73 jir ah ayaa xabsi ku xirnaa tan iyo sanadkii 2011-kii,halka Charles Ble isna uu xabsiga maxkamada ICC ku qaatay tan sanadkii 2014-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here