Erdogan oo sheegay in howlgalada Turkiga uu ka sameynayo Idlib ay u saamixi doonto qaxootiga suuriya in ay dib ugu laabtaan dalkooda

0
599

Erdogan oo sheegay in howlgalada Turkiga uu ka sameynayo Idlib ay u saamixi doonto qaxootiga suuriya in ay dib ugu laabtaan dalkooda

Madaxweynaha wadanka Turkiga Rajab thayib Erdogaan ayaa sheegay in howlgalada dowladiisa ay ka sameyneyso waqooyiga Suuriya uu dan u yahay qaxootiga suuriyaanka ee ku nool Turkiga .

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay isniinta maanta ah magaalada Istanbul ayaa waxaa uu sheegay in howlagalada Milatarga turkiga uu ka bilaabeyo waqooyi suuriya ay u ogolaan doonto malaayiinta qaxootiga ah in ay dib ugu laabtaan Suuriya.

.

Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in 300 boqol oo kun oo qaxooti suuriyaan ah ay dalkooda ay dib ugu laabteen Suuriya gaar ahaan deegaanada Nabdoon bilihii la soo dhaafay.

Turkiga ayàa dhanka kale sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee gobolka idlib uu fulin doono iyada oo uusan la kaashaneyn dowladaha kale ee xulufada yihiin ee howlgalada ka wada Suuriya.

Turkiga ayaa marti galiyay Afar Millon oo qaxooti suuriyaan ah oo ka soo barakacay colaada sideedii sano ee la soo dhaafay u dhaxeysa xukuumada madaxweyne Assad iyo kooxda la magac baxday Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here