Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Nairobi iyo ujeedada safarkiisa oo la shaaciyay

0
727

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Nairobi iyo ujeedada safarkiisa oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Monica Juma.

Warbaahinta dowladda ayaa goor sii horeysay shaacisay in Ra’iisul Wasaaraha uu casuumaad gaar ah ka helay Madaxweynaha Kenya.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha uu u yimid Kenya, sidii uu farriin gaar ah u gaarsiin lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa ku sheegay in booqasho rasmi ah uu ku yimid Kenya oo ah dalka ugu badan ee Bulshada Soomaalida ku nool yihiin, isla markaana ah saaxib muhiim ah, waxaa uu tilmaamay inuu diiradda saari doono sidii Madaxda dalkaas ay uga wad hadli lahaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo la dagaalanka argagixisada.

Lama oga farriinta gaarka ah ee uu u gudbin doono Madaxweynaha Kenya, hase ahaatee waxaa dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi, weerar ay 15-kii bishan ku qaadeen Hotelka Dusit, kaasoo lagu dilay 21 ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here