Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu weeraray magaalada Boosaaso

0
699

Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu weeraray magaalada Boosaaso

Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa xalay lagu weeraray magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoo weerarkaas uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Kooxo hubeysan ayaa weeraray rag Itoobiyaan ah oo goob ku sugnaa, waxaana ku dhintay weerarkaas hal ruux, halka mid kalena ku dhaawacmay.

Warbaahinta Maxaliga ayaa soo sheegaya in Tahriibayaasha la weeraray ay ka soo jeedaan Qowmiyadda Tigreega, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay soo gaarayay magaalada Boosaaso

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaas, hase ahaatee sanadkii hore Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar ay ku dishay dad Itoobiyaan ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa sanadihii u dambeeyay ku soo qulqulayay magaalada Boosaaso, si ay uga tahriibaan, una aadaan dalka Yemen, iyagoo maraya Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here