Haweeney la dilay kadibna meydkeedii lagu jarjaray deegaan ka tirsan Deegaanada Somalida

0
692

Haweeney la dilay kadibna meydkeedii lagu jarjaray deegaan ka tirsan Deegaanada Somalida

Wararka ka imanaya deegaanka Balcaano oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka  Hirshabelle illaa iyo 30km ayaa  sheegaya in lagu diley haweeney ka mid ah dadka ku nool deegaanka Balcaano kadibna meydkeedii la jarjaray.

Falkan oo la sheegay inuu ka dambeeyay nin ay qaraabo ahaayeen gabadha la diley oo magaceeda lagu sheegay Xakiimo Abuukar Xasan ayaa ahaa mid aad looga naxay iyadoo meydka gabadhaas oo la jarjaray laga helay meel ka baxsan deegaanka ay ku nooleyd.

“Meydka gabadha ayaa laga helay iyadoo lagu  jarjaray mindi oo lagu dhex ridey jawaan waxayna joogtay beer ay qoyskeedu ku lahaayeen deegaanka Gaaleef.”ayay tiri Dahabo Cali oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaas.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka haweeneydan hase yeeshee waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu la xiriiro arrimo dhaxal ah.

Wararka ayaa sheegaya in nin lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay falkan lagu qabtay magaalada Jowhar haatana uu ku xiran yahay saldhigga Booliska magaalada Jowhar.

Falkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo ka dhaca deegaan ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here