DAAWO : Daraasad Cusub oo Ka Digaysa.. Ilmihiinna Sidan Ha Ku Samaynina Isla Marka Ay Dhashaan

0
913

DAAWO : Daraasad Cusub oo Ka Digaysa.. Ilmihiinna Sidan Ha Ku Samaynina Isla Marka Ay Dhashaan

Daraasad Caafimaad oo cusub oo laga sameeyay isbitaalka Hillcrest ee gudaha Ohio, ayaa hooyooyinka uga digtay iney ilmahooda u meyraan isla marka ay dhashaan.

Daraasaddan ayaa ku talineysa iney lagama maarmaan tahay in dib loo dhigo in loo mayro ilmaha in muddo ah, maadama ay arrintaasi soo dedejinayso in uu caano ka helo naaska hooyada si dabiici ahna loo nuujiyo.

Daraasaddan ayaa daahrogtay in ilmaha caafimaadka qaba qubayskooda la dib dhigo ugu yaraan muddo 12-saacadood, si loo kordhiyo furasdda uu caano kaga heli karo hooyadii oo ay suurtaggal tahay iney naaskeeda caano ka yimaadaan inta aaney isbitaalka ka bixin ka hor.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 9996-dumar ah oo caruur caafimaad qaba dhalay, 448-ka mid ah waxey u hoggaansameen siyaasadda isbitaalka, iyadoo ilmahooda loo qubeynayay 2 saacadood kadib markii ay dhashaan, halka 548 ka mid ah mayristooda iyo u qubeyntooda dib loo dhigay muddo 12-saacadood ah ugu yaraan.

Markii hadaba la isbarbardhigay labadaa kooxood ayaa cilmi-baarayaashii arkeen in heerka nuujinta dabiiciga ah ay korortay 59.8% ilaa 68.2%, kadib markii la bedelay siyaasadda isbitaalka ee hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here