Diyaarad uu saarnaa ciyaaryahan ay soo iibsatay kooxda Cardiff City oo la waayay

0
487

Diyaarad uu saarnaa ciyaaryahan ay soo iibsatay kooxda Cardiff City oo la waayay

Diyaarad yar oo uu saarnaa ciyaaryahan u dhashay dalka Argentine Emiliano Sala kuna soo jeeday magaalada Cardiff ayaa la waayay iyadoo maraysay jasiiradaha Channel.

Sala ayaa waxaa soo iibsatay kooxda Cardiff City oo ka ciyaarta horyaalka Premier League iyadoo lacag gaareysa £15m ka siisay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes.

Ciyaaryahankan oo 28 jir ah ayaa ka soo raacay Piper Malibu waxaana diyaaradiisii ay hawada ka baxday xalay iyadoo dul mareysay Alderney oo kamid ah Channel Islands

Booliska raadinayay halka ay ku dambeysay diyaarada ayaa sheegay in laga quustay diyaaradaas ayna joojiyeen baaritaanka.

Boqolaal taageerayaasha kooxda uu u ciyaari jirey ee Nantes ayaa bilaabay inay isugu soo ururaan garoonka kooxda iyagoo raadinaya wararka ugu dambeeya ee laacibkii hore ugu ciyaarayay kooxda Nantes.

Emiliano Sala ayaa ku dhashay Santa Fe ee dalka Argentina balse waxa uu ku soo shaac baxay dalka Faransiiska.

Ciyaaryahankan ayaa ka mid ahaa shanta laacib ugu goolal dhalinta badan horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 11 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here