Booliska Hindiya oo xabsiga dhigay qaxooti u dhashay qowmiyada Rohingya

0
541

Booliska Hindiya oo xabsiga dhigay qaxooti u dhashay qowmiyada Rohingya

Ciidamada booliska Hindiya ayaa xabsiga dhigay 31 ruux oo u dhashay qowmiyada muslimiinta ee Rohingya kuwaasi oo doonayay in ay ka baxsadaan wadanka dariska la ah ee Bangladesh.

Qaxootigaan oo lix iyo toban ka mid ah ay yihiin caruur ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay gobolka waqooyi galbeed ee Tripura oo dhaca xadka hindiya iyo Bangladesh.

Xarigaan ayaa yimid kadib markii ciidanka xuduuda ee labada wadan ay isku maandhaafeen sida laga yeelayo qaxootigan u dhashay qowmiyada Rohingya.

Xukuumada Hinduuga ee dalka Hindiya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxay bilowday howlgal ka dhan ah qoxootiga muslimiinta ah ee markii hore ka soo cararay howlgalada ka dhanka ah Milatariga Myanmar.

Hindiya ayaa sheegtay in ay ka baqdin qabto falal argagixiso oo dalkeeda ay ka geestaan ku dhowaad sdex kun oo qaxooti ah oo u dhashay Rohingya kuna nool dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here