Maydadka afar ruux oo gacmaha ka xiran oo lagu arkay duleedka Dayniile

0
762

Maydadka afar ruux oo gacmaha ka xiran oo lagu arkay duleedka Dayniile

Maydadka afar ruux oo rag ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay duleedka Degmada Dayniile ee Gobolkan Banaadir.

Dadkaan oo gacmaha ka xirnaa ayaa wararka waxa ay sheegayaan in toogasho ay ka muuqatay rasaas lagu toogtay.

Lama oga cidda dishay raggaan afarta ah ee dhalinyarada ee la toogtay, kuwaasi oo dadka deegaanka ay la yaaban yihiin cidda falkaan ka dambeysay.

Hay’addaha ammaanka Degmada Dayniile wali kama aysan hadlin dadkaan lagu dilay duleedka Degmadaasi.

Muddooyinkaan dambe Muqdisho laguma arkin afar ruux oo gacmaha laga xiray oo hal meel lagu toogtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here