Saxafiyad u shaqeysa Tv-ga Press oo lagu xiray Mareykanka

0
632

Saxafiyad u shaqeysa Tv-ga Press oo lagu xiray Mareykanka

Saxfiyad u dhalatay wadanka Mareykanka oo u shaqeysa Tv-ga ku hadla afka Ingariiska ee lagu magacaabo Press TV ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidanka amniga Mareykanka.

Marzieh Hashemi oo 59 jir ah ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha St Louis Lambert maalinkii axada waxaana loo soo wareejiyay xabsi ku yaal magaalada Washington,sida mas,uuliyiinta Tv-ga xaqiijiyeen.

Qaraabada saxafiyadaan ayaa sheegay in aysan u suura galin in ay la xiriiraan waxaana loo ogolaaday kaliya in gabadheeda ay la xiriirto.

Hashemi ayaa gabadheeda u sheegtay in FBI-da ay ula dhaqmeen sidii xoolaha oo kale.

Dhanka kale saraakiisha FBI-da ee xabsiyada ku yaal magaalada Washington ayaa beeniyay in ay wax ka og yihiin xariga saxafiyadaan u shaqeysa Tv-ga Press ee laga leeyahay wadanka Iiraan.

Ugu danbeyn Hashimi ayaa u sheegtay gabadheeda in loo keenay hilibka doofaarka si ay u cunto balse ay diiday maadama ay tahay dadka islaamka uu ka xaaraan yahay cunida doofaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here