Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Wakiil cusub u soo magacaabaya Soomaaliya

0
579
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Wakiil cusub u soo magacaabaya Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa soo magacaabaya wakiil cusub oo u qaabilsan Soomaaliya, isagoo aqbalay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay wakiilkii hore Nicholas Haysom, kaasoo ahaa shaqsi aan laga rabin Soomaaliya Persona Non Grata.

War saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo uu aqriyay afhayeenkiisa Farxaan Haq ayaa wax laga xumaado lagu tilmaamay go’aanka dowladda, sidoo kale waxaa uu sheegay in Haysom uu ahaa nin uu aad ugu kalsoonaa oo khibrad leh, xilal muhiim u soo qabtay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal.

Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Qoraalka ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in UNSOM ay sii wadeyso howsha taageerida dadka Soomaaliyeed, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha cusub Ergey cusub loo soo magacaabi doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-dii bishan soo saartay go’aan ay dalka uga eryineyso Wakiilka Qaramada Midoobey, waxaa go’aankaas ahaa mid aan la fileyn, kaddib markii wakiilka uu warqad u qoray Wasiirka Amniga, kuna dalbanayo in jawaabo laga bixiyo dhacdadii baydhabo rabshadihii ka dhacay iyo xariggii Mukhtaar Roobow, waxaana dowladda Federaalka ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyay madax banaanida Qaranimada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here