Nin ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan cadde oo lagu dilay Muqdisho

0
639

Nin ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan cadde oo lagu dilay Muqdisho

Nin ka tirsanaa shaqaalaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Sandheere ayaa waxaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla xaafada KPP ee degmada Hodan ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Qaar ka mid ah Hawlwadeenada garoonka Aadan cadde ayaa allbanaadir u sheegay in marxuumka la dilay uu ka mid ahaa shaqaalahaxafiiska heyadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee garoonka.

Dilalka lagu hayo saraakiisha iyo dadka dowlada u shaqeeya ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, saaka waaberigii ayeyna aheyd markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen taliyihii saldhiga Booliska degmada Warta-nabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here