Mareykanka oo dhimaayo hawlgalada duqeynta ah ee Shabaab lala beegsado

0
634

Mareykanka oo dhimaayo hawlgalada duqeynta ah ee Shabaab lala beegsado

Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Somalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Shabaab.

Laba Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Millitariga Mareykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad gureeyay dalal ka tirsan Caalamka.

Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciidamo dheeraad ah u soo diray Somaliya , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Somaliya.

 Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay  hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis  xilka ka degay bishii hore.

Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen  inuu  qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here