Ciidamada Jubbaland oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada tuulooyin hoostagga Afmadoow

0
664

Ciidamada Jubbaland oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada tuulooyin hoostagga Afmadoow

Sida ay sheegayaan ararka saakay naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbada ay saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow.

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa saakay gaaray tuulooyin hoostaga degmada Afmadow,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanad ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalma ka hor degmada Afmadow waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo diyaarado lagu geeyay,kuwaas oo laga daabulay Magalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhawaan sheegay in Maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanad ay gacanta ku hayaan sigaar ah Gobolka Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here