5 Talo oo Muhiim U Ah Noloshaad Bilowga Sanadka Cusub 2019

0
1361

5 Talo oo Muhiim U Ah Noloshaad Bilowga Sanadka Cusub 2019

Bilowga sanadka cusub, waxey ka dhigan tahay bilowga nolo cusub dhanka bulsho iyo dhanka shaqo labadaba, si aad isbedel u sameynno waxaa lagama maarmaan ah inaan dagsato qorshayaal mustaqbaleed, adigoo raacayna talooyinka qaar, waa sida uu qoray website-ka “Wikihow“.

1- Go’aan Kuu Gaar ah Qaado

Waxaa loo baahan yahay go’aanka isbedelka uu qofka niyaddiisa ka soo go’ay, kadib marka uu fakar dheer galo nolosha uu hadda uu ku jiro waxyaabaha ay ku wanaagsan tahay iyo ceebaha ay leedahay, idigoo daraasad ballaaran ku sameynaya tagtadaada si aad go’aanka ugu wanaagsan uga qaadato timaadadaada.

2- Hadaf dejiso, tallaabooyinkii aad ku gaari lahaydna sameyso.

Waa inaad si wanaagsan uga fakarto guulaha aad dooneyso inaad gaarto, sanadka cusub ee dhanka bulsho iyo tan shaqo labadaba, adigoo degsanaya taalloobooyin aad ku fulineyso arrinkaa.

3- Qorshe ka yeelo caadooyinka aan caafimaadkaaga u rooneyn.

Waxaa muhiim ah inaad caafimaadkaaga ku dadaasho, waa sahayda aad ku gaari karto hadafkaaga nolosha, waxaa waajib ah inaad meesha ka saarto caadooyinka caafimaadkaaga waxyeellada u geysanaya; sida sigaarka, cunnooyinka fudfudud ee guriga dibaddiisa laga diyaariyo, ku dadaal sports-ka oo jimicsi samee, cunno caafimaad qaado oo u badan dheefta jirku u baahan yahay.

4- Isbedel ku samee xiriirkaaga

Waxaa waajib ah inaad ka fogaato saaxiibada xunxun, wey ku jilbo xirayaan oo hadafkaaga nolosha kaa leexinayaan, jar xiriirka lamaanahaaga aadan farax saneyn kadib marka aad ka caaloweydo waddo walba oo kale oo wanaag iyo farxad lagu gaari kari waayo, sameyso xiriir jacaylka, kalgacayl iyo ixtiraam ku dhisan.

5- Kayd lacageed sameyso

Dib u eeg wax bixintaada, sameyso qorshe aad ku soo iibsaneyso waxyaabaha daruuriga ah ee lagama maarmaanka ah, si aad u gaarto yoolkaaga nolosha, sida inaad bilowdo mashruuc kuu gaar ah ama aad guri iibsato.

Goobjoog Edu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here