Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Jubadda Hoose iyo Jubbaland oo diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta

0
624

DEG DEG : Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Jubadda Hoose iyo Jubbaland oo diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano hoos-taga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay maalmo ka hor gaareen.

Dhaq dhaqaaqyadan ciidan ayaa ku wajahan deegaanada Al-Shabaab ka maamulaan Jubbooyinka, gaar ahaan Jubadda Dhexe.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Jubbaland ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay diyaarado looga daabulayay magaalada Kismaayo, iyagoo la geynayay degmada Afmadow.

Taliyaha cusub ee howlgalka Jubbada Dhexe ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaadi doonaan dagaal lagu xoreynayo deegaanada gobolkaas.

Madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay kormeerayay xarumaha ciidamada ayaa sheegay in la qaadi doono howlgal lagu xoreynayo Jubadda Dhexe..

Si kastaba ha ahaatee duulaanka ku wajahan Gobolka Jubadda Dhexe ayaa ujeedkiisa yahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Bu’aale ee Caasimadda Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here