Shabaab oo sheegtay iney isku soo dhiibeen 13 askari oo kamid ah Ciidanka Dowladda.

0
583

Shabaab oo sheegtay iney isku soo dhiibeen 13 askari oo kamid ah Ciidanka Dowladda.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay in 13 askari oo ka goostay dhanka Dowladda ay iska dhiibeen Degmada Ceel-Cadde ee Gobolka gedo.

Shabaab tirada askartan is dhiibtay waxey ku sheegeen 13, Waloow aysan soo bandhigin Sawirradooda taasoo shaki gelin karta sheegashadooda.

Saraakiil u hadashay Shabaab, waxey maxkamad ku taala Ceel-Cadde ka sheegeen in askarta isa soo dhiibtay ay wateen Qoryohooda oo ah nooca AK47 iyo sidoo kale Booshahkooda.

Shabaabku waxey tilmaameen in askarta isa soo dhiibtay oo hubkooda loo lacageeyay amaba laga gatay ay haatan shacabkooda dhinac ka raaceen, taasoo ka dhigan iney iska diideen iney la shaqeeyaan Shabaabka oo ay kamid noqdaan dagaalyahanadooda.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ee gobolka gedo oo aan la xiriirnay, waxey meesha ka saareen sheegashada Shabaab, iyagoo tilmaamay inaaney jirin wax askar ah oo dhankooda iska dhiibtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here