Dad loo heesto dilkii Khashoggi oo maxkamadeyntooda ka bilaabatay Sacuudiga

0
553

Dad loo heesto dilkii Khashoggi oo maxkamadeyntooda ka bilaabatay Sacuudiga

Warbaahinta dowlada sacuudiga ayaa sheegtay in 11 ruux oo lagu tuhmayo qaarijintii wariye Jamal Khashoggi ay ka soo muuqdeen maxkamada magaalada caasimada ah ee Riyaad si loo dhageysto kiiskii ugu horeeyay.

Sargaal ka tirsan dowlada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee sacuudiga in xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in dil toogasho ah lagu xakumo 11-kan la tuhme.

Dhanka kale war saxafadeed ka ka soo baxay dacwad soo oogayaasha ayaa looga dalbaday dowlada Turkiga in ay cadeeyaan marqaatiyaha ay ka aruuriyeen dhacdadaan taasi oo wax u dhintay sumcada boqortooyada sacuudiga ee wadamada caalamka.

Jamal khashoggi ayaa la waayay 2-dii bishii October ee sanadkii la soo dhaafay kadib markii uu booqday qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul si halkaasi uu uga soo qaato warqada cadeyneysa in ay kala tageen afadiisii hore.

Balse baaritaan socday todobaadyo ayaa waxaa lagu ogaaday in lagu dhex qaarijiyay gudaha dhismaha qunsuliyada.

Saxafigaan oo mudo sanad ah dibad joog ka ahaa dalkiisa ayaa marar badana qormo uu ku qoray waxaa uu dhaleeceyn ugu jeediyay hanaanka siyaasadeed oo boqortooyada gaar ahaan dhaxal suge maxamed Bin Salmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here