DEG DEG :  Dawlada Somaliya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Inuu Ka Hawl Galo Danjiraha QM Nicklas Haysom

0
962

DEG DEG :  Dawlada Somaliya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Inuu Ka Hawl Galo Danjiraha QM Nicklas Haysom

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso go’aanka culus ee dowladda Soomaaliya:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here