AKHRISO : Taariikh Nololeedka Kader Khan: Wuxuu ka yimid Afghanistan, Wuxuu noqday Injineer Ilaa uu Jilaa caan ah ka noqdo

0
1603

AKHRISO : Taariikh Nololeedka Kader Khan: Wuxuu ka yimid Afghanistan, Wuxuu noqday Injineer Ilaa uu Jilaa caan ah ka noqdo

Hordhaca:

Waxaa xalay magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday halyeega Bollywood-ka in ka badan 45-sano ka tirsanaa Kader Khan kaasi oo fanka Hindiya maqaam sare ka gaaray magaciisana ku baahay daafaha caalamka sidoo kalena aqoonsi ku helay xirfadiisa fanka ee kala duwaneyn inkastoo noloshiisa marxalado kala duwan soo martay.

Kader Khan asigoo 81-jir ah ayuu geeriyooday wuxuuna dhashay 22 October 1937 wuxuuna geeriyooday 31 December 2018 ama 1 Janaayo 2019 madaama waqtiga dunida kala duwan isagana Canada ku geeriyooday shalay halka markaas Hindiya iyo meelo kale sanadka cusub 2019 galeen.

Kader Khan wuxuu ku dhashay dalka Afghanistan sidoo kalena waa Hindi Canadian madaama dhalasho Canadian ah uu qaatay wuxuu ahaa jilaa, qoraa sheekooyinka filimada qoro, majaajiliste iyo filim sameeye. Kader wuxuu kasoo muuqday in ka badan 300-filim waxaana lagu bartay ama uu fanka kusoo galay filimkii Daag (1973) ee Rajesh Khan hogaamiye ka ahaa. Sidoo kalena wuxuu ahaa qoraa aflaan hirgaleen sheekadooda qoray 70-maadkii iyo 80-maadkii

Khan wuxuu ka qalin jebiyay  Ismail Yusuf College kaasi oo xiriir la lahaa dhanka waxbrashada Bombay University waa ka hor inta uusan Bollywood-ka soo galin kadibna wuxuu noqday barre ama macalin Proffesor maadada Civil Engineering ka dhigo M. H. Saboo Siddik College of Engineering oo ku yaalay magaalada Mumbai.

Kader Khan Iyo Bilawgii Noloshiisii Marxaladaha Ay Soo Martay:

Kader Khan wuxuu ku dhashay magaalada  Kabul ee dalka Afghanistan, waxaana xusid mudan aabihiis inuu ahaa Abdul Rahman Khan kaasi oo Kandahar kasoo jeedo halka hooyadiis Iqbal Begum ay kasoo jeeday gobolka Pishin ee Ingiriiska gumeesan jireen haatana la dhaho Balochistan kana tirsan Pakistan. Kader Khan waxaa la dhasheen sedex wiil oo kala ah Shams ur Rehman, Fazal Rehman iyo Habib ur Rehman. Sidoo kalena qowmiyad ahaan wuxuu kasoo jeedaa Pashtun si gaar ah qabiilka Kakar ayuu ku aftirsadaa.

Khan wuxuu wax barashada ka bilaabay iskuulkii dowlada hoose ee Kabul ku yiilay kadibna qoyskiisa Bombay ayay nolol usoo doonteen wuxuu shahaadada heerka labaad (Master Degree) taqasuska Civil Engineering ka qaatay Ismail Yusuf College oo xiriir la lahaa Bombay University.

Kadib Khan isaga ayaaba barre noqday wuxuuna wax ka dhigi jiray  M. H. Saboo Siddik College of Engineering oo ku yaalo koonfurta Bombay wuxuuna si gaar ah u dhigi jiray Civil Engineer asigoo Professor halkaas ka noqday aad looga faa’iideesto.

Khan wuxuu ahaa nin fur furan waxaana dhacday inuu ka qayb galay ruwaayad sanadlaha halkii uu wax ka dhigi jiray asigoo jilaayaasha ka mid ahaa waxaana xaflada kasoo qayb galay Superstar Dilip Kumar oo aad ula dhacay xirfada ku duugan macalin Kader Khan wuxuuna ka codsaday inuu filimkiisa xiga la sameeyo wuuna aqbalay ayagoo heshiis kala saxiixdeen.

Khan wuxuu caan ku noqday dhanka mada daalada weliba asigoo macalin ah wuxuuna dadka ka madaalin jiray tiyaatarada Bombay ku yiilay bartamihii iyo dhamaadkii 60-maadkii. Nasiib wanaag waxaa loo soo bandhigay Khan inuu sheekada filimka Jawani Diwani qoro kaasi oo la daawaday 1972 waxaana hal abuurkiisa ka helay oo filimkan qoraa kaga dhigay Director Narender Bedi waxaana filimkan wada jileen Randhir Kapoor, Jaya Bhaduri, Balraj Sahni iyo Nirupa Ro.

Kader Khan Iyo Markii Uu Noqday Jilaa Caan Ah:

Khan in ka badan 300-filim ayuu sameeyay balse shaqadaan si sahlan kuma uusan helin ee meel hoose ayuu kasoo bilaabay oo ah marka kowaad inuu filimada hadalada la adeegsado qori jiray weliba in ka badan 250-filim oo Hindi ah hadalada lagu hadlaayo (Dialogue) isaga ayaa qoray waxayna ahayd hibo isaga u gaar ah marka ay noqoto diyaarinta sheekada filimada.

Khan wuxuu Bollywood-ka kusoo galay filimkii Daag (1973) uu Superstar Rajesh Khanna sameeyay asigoo door muhiim ah filimkan ku lahaa. Kadibna wuxuu doorar aan weyneyn ku yeeshay filimada Dil Diwana, Goonj, Umar Qaid, Mukti, Chor Sipahee, Muqaddar Ka Sikander iyo Mr.Natwarlal.

Balse inta badan Khan wuxuu muuqaalo saameyn leh ku yeelan jiray bilawgii waayihiisa fanka aflaanta uu hogaamiye ka ahaa Superstar Rajesh Khanna waxaana aflaantaas ka mid ahaayeen Mahachor, Chailla Babu, Fiffty Fiffty, Maqsad, Naya Kadam iyo Nasihat.

Kader Khan waayihiisii ugu wacnaa Bollywood-ka waxaa lagu cabiraa waqti ahaan inuu ahaa intii u dhaxeesay 1982 ilaa 2005 markaas oo uu sanad walbo aflaan fara badan kasoo muuqan jiray doorar kala duwana uu qaadan jiray.

Kader Khan waxaa dhacday in sanadii 1974 inay Superstar Rajesh Khanna iyo Director Manmohan Desai ku siiyeen 1 lakh iyo 21,000 Indian Rupees markii uu si lama filaan ah ugu soo diyaariyay sheekada filimkii hirgalay Roti (1974).

Kader Khan jilaayaasha ugu badnaa ee uu la shaqeeyay waxaa ka mid ahaayeen Rajesh Khanna, Jeetendra, Feroz Khan, Amitabh Bachchan, Anil Kapoor, Govinda iyo kuwo kale. Sidoo kalena filim sameeyayaasha ugu caansan ee uu shaqo badan la wadaagay waxaa ka mid ah Tatineni Rama Rao, K. Raghavendra Rao, K. Bapaiah, Narayana Rao Dasari, David Dhawan iyo kuwo kale. Waxaa intaas u dheer in Khan uu saaxiib dhow la ahaa filim shactiroolayaasha ay shaashada inta ugu badan iskala soo muuqdeen sida Asrani, Shakti Kapoor iyo Johnny Lever.

Sidoo kale wuxuu filimo badan la sameeyay laadariinta Bollywood-ka caan ka ahaayeen xiliyo kala duwan sida Amrish Puri, Prem Chopra iyo Anupam Kher.

Kader Khan wuxuu ahaa dahab Bollywood-ka soo maray oo aan dib loo heleyn madaama uu sameyn jiray doorar kala duwan sida laadar, aabo, adeer, walaal, laadar xigeen, shactiroole iyo jilaa muuqaalo marti ah soo galo mararka qaarna aflaanta ayuu wax ka hogaamin jiray.

Khan laga bilaabo 1988 wuxuu sameeyay ama uu qoray aflaan uu isaga hogaamiye ka ahaa waxaana ka mid ahaayeen Jaisi Karni Waisi Bharni, Biwi Ho Toh Aisi, Ghar Ho Toh Aisa, Hum Hai Kamaal Ke, Baap Numbari Beta Dus Numbari iyo kuwo kale.

Khan dhanka sameynta shactirada wuxuu ku bilaabay filimadii Himmatwala iyo Aaj Ka Daur kadibna joogto ayayba u noqotay in doorka shactirada looga haro. Weliba si gaar ah markii 90-maadkii lasoo gaaray dhanka shactiro sameynta hogaanka ayuu u qabtay asigoo sameeyay filimo badan oo Classic ah dhanka shactirada waxaana ka mid ah Aankhen, Taqdeerwala, Main Khiladi Tu Anari, Dulhe Raja, Coolie No.1, Saajan Chale Sasural, Sooryavamsham, Judaai, Aunty No.1 and Bade Miyan Chote Miyan, Raja Babu, Khudaar, Chote Sarkar, Judaai, Aunty No. 1, Gharwali Baharwali, Hero Hindustani, Sirf Tum, Anari No.1.

Kader Khan sidoo kalena dhanka TV-yada ayuu kasoo shaqeeyay asigoo musal salo shactiro ah sameeyay wuxuuna ku bilaabay musal salkii Hasna Mat oo Star Plus laga daawaday 2001. Kadibna musal salo iyo barnaamijyo kale oo shactiro ah sida Hi! Padosi… Kaun Hai Doshi? ayuu sameeyay oo laga daawaday Sahara One.

Khan wixii ka dambeeya 2005 filim jilista wuu ku yaraaday asigoo iska yara xanuun saday sidoo kalena nasiino galay wuxuuna kasoo muuqday aflaan kooban sida Tevar (2015), Lucky: No Time for Love (2006) iyo Family: Ties of Blood (2006).

Kader Khan Iyo Aflaanta Uu Qoray Iyo Heerka Uu Ka Qaaray Dhanka Sheeko Qorista:

Superstar Rajesh Khanna ayaa siweyn kaga faa’iideestay maskaxdii Kader Khan kasoo maaxan jirtay sheekooyin cajiib badan waayo filimkii Roti (1974) wixii ka dambeeyay inta badan filimada uu sheekooyinkooda iyo hadaladooda qoray Rajesh Khanna ayaa ku caan baxay, wuxuuna Kader u qoray saaxiibkiis Rajesh filimada caanka ah oo ay ka mid yihiin Chailla Babu, Dharam Kanta, Fiffty Fiffty, Naya Kadam, Masterji iyo Nasihat.

Sidoo kale Kader Khan wuxuu qoray sheekooyinka filimada uu Superstar Jeetendra Kapoor (Faaris) magaca ku yeeshay waxaana ka mid ah Himmatwala,Jaani Dost, Sarfarosh, Justice Chaudhury, Farz Aur Kanoon, Jeo Aur Jeene Do, Tohfa, Qaidi, Haisiyat.

Waxaa intaas u dheer Kader Khan oo ahaa madaalaha Bollywood-ka inuu qoray sheekooyin ay magac ku yeesheen labadii filim sameeye ee Bollywood-ka ku tartami jireen 70-maadkii iyo 80-maadkii waa Manmohan Desai iyo Prakash Mehra inta badana filimadaas Superstar Amitabh Bachchan ayaa sameeyay.

Kader Khan filimada uu u qoray Director Manmohan Desai: Dharam Veer, Ganga Jamuna Saraswati, Coolie, Desh Premee, Suhaag,Parvarish iyo Amar Akbar Anthony.

Kader Khan filimada uu u qoray Director Prakash Mehra waxaa ka mid ahaayeen Jwalamukhi, Sharaabi, Lawaaris, Muqaddar Ka Sikandar.

Sidoo kale filimada kale uu Amitabh Bachchan hogaamiye ka ahaa ee Kader Khan sheekooyinkooda qoray sidoo kalena aysan sameynin Manmohan Desai iyo Prakash Mehra waxaa ka mid ahaayeen  Mr. Natwarlal, Khoon Pasina, Do Aur Do Paanch, Satte Pe Satta, Inquilab, Giraftaar, Hum iyo Agneepath.

Kader Khan Bollywood-ka kaliya lama shaqeynin waxaa u dheer inuu aflaanta Koonfur Hindiya xitaa qoray sheekooyinkooda qaar ka mid ah iyo haddalada aflaanta loo adeegsado intii u dhaxeesay 1982 ilaa 1995 wuxuuna la shaqeeyay filim sameeyaan Koonfurta caan ka ahaayeen kuwaas oo filimo Hindi ama Bollywood sameeyeen waxaana ka mid ahaayeen  K. Raghavendra Rao, Narayana Dasari Rao, K. Bapaiah iyo D. Rama Naidu.

Kader Khan sidoo kale filimo caan ah oo guulo waa weyn gaareen 80-maadkii iyo 90-maadkii ayuu sheekooyinkooda qoray waxaana ka mid ahaa Meri Awaaz Suno, Angaar, Jail Yatra, Satte Pe Satta, Katilon Ke Kaatil, Waqt Ki Awaz, Coolie No. 1, Main Khiladi Tu Anari, Kanoon Apna Apna, Karma, Sultanat, Baap Numbri Beta Dus Numbri, Humshakal, Saajan Chale Sasuraal, Hero Hindustani, Aunty No.1 iyo Rajaji. Sidoo kale Khan wuxuu qoray sheekooyinka filimada uu sameeyay Director Rakesh Roshan sida Khoon Bhari Maang, Kala Bazaar iyo Khudgarz.

Kader Khan Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Khan wuxuu mudo ku noolaa Mumbai, xarunta shirkada Bollywood-ka ee filimada Af Hindiga lagu daawado sameyso sidoo kalena qoysaskiisa waxay ku kala nool yihiin Holland iyo Canada.

Khan wuxuu ifka kaga tagay sedex wiil  Sarfaraz Khan, Shahnawaz Khan iyo Quddus Khan sidoo kalena xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa Azra Khan.

Kader Khan wiilkiisa Sarfaraz Khan waa jilaa filimada sameeyo sidoo kalena maal galiyo asigoo aflaan kala duwan doorar caawiye ah ku yeeshay waxaana filimadiisa ugu caansan Tere Naam (2003) iyo Wanted (2009).

Kader Khan waa Muslim kaasi oo soo xajiyay marar kala duwan sidoo kalena wuxuu heestaa dhalasho Canadian ah madaama wiilkiisa Sarfaraz Khan halkaas mudo reer ku lahaa isagana Kader halkaas ayuu iska dagay waayihiisa ugu dambeeyay noloshiisa.

Xanuunkii Kader Khan Mudooyinkan Haayay Iyo Xiligii Uu Geeriyooday:

Kader Khan sanidihii ugu dambeeyay wuu iska xanuun saday qalii dhanka jilbaha looga badalaayo ayuu maray kaasi oo sababay inuu toos u socon waayo weliba asigoo gaariga curyaalka lagu riixo ama qofka aan socon karin lagu caawiyo saaran ayuu soo xajiyay waxaana caawiyay wiilkiisa Sarfaraz Khan.

Kader Khan dhawaanahan waxaa u diiday dhanka shaqada filim jilista in xanuun dhanka maskaxda kaga dhacay oo xoogaa ogaalka iyo xasuusta tiray kaliya qoyskiisa ayuu la noolaa oo uu xasuusan karay dhamaan dadkii uu fanka ku lahaa xasuus ahaan wuu iska hilmaamay caafimaad daro awgeed iyagana ma aysan soo xariirin wuxuu iska noqday nin caafimaadka lagu rabay!

Kader Khan Iyo Abaal Marinada Uu Ku Guuleestay:

2013: Sahitya Shiromani Award waa bilad lagu siisay shaqadii adkeyd iyo hormarka uu fanka Hindiya gaarsiiyay.

Filmfare Awards abaal marinada ay siisay:

  • 1982: Filmfare Award for Best Dialogue for Meri Awaaz Suno
  • 1991: Filmfare Best Comedian Award for Baap Numbri Beta Dus Numbri
  • 1993: Filmfare Award for Best Dialogue for Angaar

Filmfare Awards abaal marinada uu u tartamay:

  • 1984: Filmfare Best Comedian Award for Himmatwala
  • 1986: Filmfare Best Comedian Award for Aaj Ka Daur
  • 1990: Filmfare Best Comedian Award for Sikka
  • 1992: Filmfare Best Comedian Award for Hum
  • 1994: Filmfare Best Comedian Award for Aankhen
  • 1995: Filmfare Best Comedian Award for Main Khiladi Tu Anari
  • 1996: Filmfare Best Comedian Award for Coolie No. 1
  • 1997: Filmfare Best Comedian Award for Saajan Chale Sasural
  • 1999: Filmfare Best Comedian Award for Dulhe Raja

Kader Khan waxaa abaal marin caalami ah AFMI (American Federation of Muslims from India)waxaana lagu siiyay adeeda uu u qabtay bulshada Muslim-ka ah ee Hindiya ku nool.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here