Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani+MAGACA

0
620

Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani+MAGACA

Hargeysa (Dalmar-News):- Ciidamada amaanka somaliland ayaa goor dhawayd xabisga dhigay siyaasi Cabdixakiin Gaaxnuug Guray oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kana mid ahaa guddidii ololaha doorashada xisbigaas ee gobolka Maroodijeex.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale xidhay muwaadin Cabdi Ciise Mire Diin oo aan isagu ku jirin xisbigaasi, iyada oo aan ilaa hada la ogayn waxyaabaha sababay xadhigooda.

Warar ayaa sheegaya ciidamada amaanku ay duhurkii maanta qabteen siyaasi  Cabdixakiin Gaaxnuug Guray Iyo Cabdi Ciise Mire Diin iyaga oo aan ciidamaduna ilaa hada ka hadal xadhiga labadan muwaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here