Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo saaka Baydhabo ku toogatay nin Shabaab lagu eedeeyay

0
518

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo saaka Baydhabo ku toogatay nin Shabaab lagu eedeeyay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka arroortii Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo horay ugu dilay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.

Ninka la dilay oo Shabaab ka tirsanaa ayaa magaciisa Saraakiisha Maxkamadda waxa ay ku sheegeen Maxamed Aadan Cali Barrow.

Goobta dilka toogashada uu ka dhacay, waxaa joogay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa horay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxa ay ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii cadeymo & marqaatiyaal lagu helay.

Waa ninkii saddexaad oo maxkamadda Ciidamada qalabka sida xukun dil ah ay ku fuliso, tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmo ka hor Muqdisho xukun dil toogasho ah kula fulisay nin lagu eedeeyay inuu Shabaab ka tirsanaa, gaadiidka qaraxyada ah uu u dhigi jiray goobaha maqaayadaha ee ku yaallo Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here