DEG DEG : Dagaal Markale Ka Qarxay Gobolka Galgaduud

0
654

DEG DEG : Dagaal Markale Ka Qarxay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay markale uu dagaal ka qarxay deegaanka Kaxandhaale ee Gobolkaas halkaas oo ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay maqlayaan jugta culus iyo hubka ay isweeydaar sanayaan labada maleeshiyo beeleed oo sidoo kale saacadihii la soo dhaafay wada dagaalamayay.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa isku-Heysta dhul daaqsimeed deegaankaas ku yaalla,iyada oo wadahadallo la doonayay in lagu joojiyo dagaalkaas ay dhowr jeer oo hore ay fashilmeen.

Dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa ku dhntay dad kor u dhaafayay 20 Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in shalay gelinkii dambe labada maleeshiyo beeleed ay kala dhex-dhigeen Ciidamo ka tirsan Dowladda,hayeeshee dagaalka uu markale dib u qarxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here