Tababaraha Manchester United oo ka hadlay arrinta Lukaku iyo Sanchez

0
487

Tababaraha Manchester United oo ka hadlay arrinta Lukaku iyo Sanchez

Ole Gunnar Solskjaer, oo ah tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United ayaa sheegay in ciyaartoyda uga ciyaara dhinaca weerarka ee kala ah Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku looga baahanyahay “dadaal ka yimaada dhankooda”.

Sanchez oo 30 sano jir ah iyo Lukaku oo 25 sano jir ah ayaa u muuqday iney ka baxeen shaxda ciyaartoyda uu sida fiican u daneyn jiray macallinkii hore ee dhawaan laga ceriyay kooxdaas, Jose Mourinho.

Labadaasi ciyaaryahan ayaan inta badan ka soo muuqan jirin safka joogtada ah ee kulamada u ciyaara kooxdan ka dhisan garoonka Old Trafford.

Tababare Solskjaer ayaa sheegay in isagu dhankiisa uu ciyaaroydan siiyay “tilmaamo” ku saabsan sida ay horumar u gaarsiin karaan xirfadahooda, hase ahaatee iyaga dhankooda looga baahanyahay “iney fadhiga ka kacaan oo ay dadaalaan”.

Sanchez ayaa markii ugu dambeysay United u ciyaaray kulankii ay bishii Nofeembar la yeesheen kooxda Crystal Palace, wuxuuna tan iyo xilligaas ku maqan yahay dhaawac ka soo gaaray murqaha bowdada.

Lukaku, oo ay kooxdan sannadkii 2017-kii kusoo iibsatay lacag dhan £75 malyan oo gini ayaan wali ka ciyaarin labadii kulan ee ugu horreysay inta uu hpoggaanka kooxda Manchester United la wareegay macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin wuxuu tababarka kusoo noqday ka hor kulanka ay Axada Manchester United ku booqan doonto kooxda Bournemouth.

Romelu Lukaku wuxuu dhaliyay 6 gool isagoo xilli ciyaareedkan saftay 16 kulan, halka Sanchez, oo bishii Janaayo ka soo tagay kooxda Arsenal uu dhaliyay 1 gool oo qura, ka dib 10 kulan oo uu ciyaaray.

“Romelu, Anthony [Martial] iyo Alexis waxay qaateen tababar aad iyo aad u sahlan shalay, marka aynu aragno maanta sida ay u imaadaan iyo waxa ay sameeyaan” ayuu yiri Solskjaer mar uu warbaahinta la hadlay maanta oo Jimce ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here