Kenya oo heegan galisay ciidanka Amniga inta lagu guda jiro ciida Masiixiga

0
768

Kenya oo heegan galisay ciidanka Amniga inta lagu guda jiro ciida Masiixiga

Dowlada Kenya ayaa heegan sare galisay laamaha Amniga gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka waqooyi bari si loo sugo amniga inta lagu gudo jiro maalmaha fasaxa ee ciida Christmas-ka.

Afhayeenka booliska Mr Charles Owino oo u waramay Tv-ga maxaliga ah ee NTV ayaa sheegay in shaqada ugu adag oo ay qabanayaan booliska ay tahay sidii looga hartagi lahaa shilalka wadooyinka oo xiliyadaan oo kale ay ku waxyeeloobaan dadka safraya.

Mr Owino ayaa dhanka kale tilmaamay in taliyaha ciidanka booliska kenya mr Joseph Boinet in ciidanka ay u adeegaan dadka shacabka ah ee ku guda jira fasaxa ciida dadka aan islaamka aheyn.

Dhanka kale waxaa caawa la soo dhoobaay magaalada Garissa iyo degaanada kale ee gobolka waqooyi bari ciidanka amniga kuwaasi oo si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha si looga hortago falalka amni darada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xiliyaadaan oo kale marka la gaaro waxay weeraro ka geystaan gudaha kenya oo ay si gooni ah ugu bartilmaameedsadaan dadkaa aan islaamka Aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here