Shah Rukh Khan iyo Kajol ku midoobayaan Filim Cusub

0
1570

Shah Rukh Khan iyo Kajol ku midoobayaan Filim Cusub

Boqorka iyo Boqorada jaceylka Bollywood-ka Shah Rukh Khan iyo Kajol ayaa la sheegay inay dib u midoobaan sidoo kalena ay sameenayaan filimka sanadkii hore HIT-ka noqday sheekadiisana la wada amaanay Hindi Medium qaybtiisa labaad. Madaama mashruucaan Irfan Khan sanadkii hore abaal marinada ku qaatay aad loo jecleestay fariintiisa waxbarashada ka hadleesay.

Shah Rukh Khan iyo Kajol waxay rabaan inay filim kale isla sameeyaan madaama mashruucoodii ugu dambeeyay Dilwale HIT uusan noqonin sheeko ahaana la wada amaanay arinkaas awgeed qof walbo ayaa sugaayo King Khan iyo lamaantiisa shaashada inay markale dib u midoobaan wacdaro xoogana dhigaan sidii horey looga bartay.

Filim soo saaraha caanka ah Dinesh Vijan ayaa wada hadalo kula jiro SRK iyo Kajol sidii Hindi Medium 2 hogaamiyaal kaga noqon lahaayeen waxaana la wada wadaagay qoraalka kowaad sheekada filimkan ayagoo ka heleen waa SRK iyo Kajol balse si rasmi ah ma aysan u saxiixanin madaama weli wax walbo oo ku saabsan sameynta filimkan bilaaw yihiin.

Saket Choudhary oo horey u sameeyay qaybta kowaad Hindi Medium ma sameenayo qaybta labaad waxaana Director looga dhigay Homi Adajani oo caan ku ah inuu sameeyay Cocktail iyo Finding Fanny. Waxayna noqon doontaa arin aad u xiiso badan haddii SRK iyo Kajol lamaane ku matalaan filimka Hind Medium 2 oo la rabo bilooyinka ugu horeeyo 2019 in shaqadiisa bilaabato.

 

Xigasho: Filimiside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here