Hooyo masiixi ah oo dalbatay in wiilasheeda loo gudo sida Muslimiinta balse geeri ka dheeftay

0
672

Hooyo masiixi ah oo dalbatay in wiilasheeda loo gudo sida Muslimiinta balse geeri ka dheeftay

Wiil laba sano jir ah ayaa dhiig bax u dhintay ka dib markii gudniin lagu sameeyay gudaha xero ay ku nool yihiin dad muhaajiriin ah oo ku taal dalka Talyaaniga.

Wiil kale oo mataan la ah wiilka yar ee dhiig baxa u dhintay ayaa sidoo kale isaguna la guday, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal magaalada Monterondo ee duleedka magaalda Rome.

Nin odey ah oo 66 sano jir ah oo asal ahaan la sheegay in uu ka soo jeedo dalka Liibiya balse haysta dhalashada Mareykanka ayaa loo xiray arrintasi, waxaana warbaahinta gudaha ee dalka Talyaaniga ay sheegayaan in lagu soo eedeeyay dil.

Dalka Talyaaniga, qiyaastii sanad kasta waxaa ka dhaca 5,000 gudniin, balse in kabadan 33% ayaa ah kuwo sharcidarra ah, sida ay sheegtay Amsi oo ah hay’ad samafal oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka.

Hay’adda kale ee Arci ee iyana ka shaqeysa arrimaha dhaqanka ayaa sheegtay in gudniinka galaaftay nolasha wiilka yar uu ka dhacay xero qaxooti oo ku taal magaalada Monterondo.

Arci ayaa sheegtay in tallaabo madani ah ay qaadi doonto marka boolisku uu caddeeyo cidda ka dambeysay geerida wiilkaasi.

Labadani wiil ee mataanaha ahi ayaanan wali la shaacin magacyadooda balse waxa ay sanadkii 2017 ku dhasheen gudaha dalka Talyaaniga, waxaana dhashay haweeney reer Nigeria ah oo shan kale oo carruur ah ay u joogaan gudaha dalka Nigeria.

gudniin

Warbaahinta gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegaya in hooyada wiilashaasi dhashay oo ah masiixi aaminsan mad-habta Katooligga ay codsatay in wiilasheeda loo gudo si waafaqsan dhaqanka dadyowga Muslimiinta ahi ee reer Nigeria.

Booliska Talyaaniga ayaa shaki ka muujiyay aqoonta caafimaad ee dhakhtarkii gudniinkaasi fuliyay.

Duqa magaalada Monterondo, Antonino Lupi, ayaa geerida wiilkaasi ku tilmaamay masiibo aad u fool xun.

Gudniinka ayaanan laga helin xarumaha caafimaadka ee ay maamusho dowladda Talyaaniga. Taa badalkeeda, waxaa laga helaa xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay.

Faa’iidada iyo halista gudniinka

In kastoo gudniinku uu yahay mid fudud, haddana ma ahan mid halis la’aan ah.

Dhakhaatiirta ayaa laga yaabaa in ay ku taliyaan in la gudo wiilasha ama ragga waaweyn ee qaba caabuqyada ku dhaca xubinta taranka ee ragga.

Sidoo kale waxaa jira caddeymo muujinaya in ragga gudan ay xanuunka HIV-ga uga halis yar yihiin ragga aan gudnayn ee u galmooda dumarka qaba xanuunkaasi.

gudniinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Ilaa haatan ma cadda in gudniinku uu yareynayo halista cudurada kale ee galmada lagu kala qaado, balse daraasaad ayaa muujinaya in ay suurtagal tahay in gudniinku uu yareeyo caabuqyada ku dhaca xubinta taranka ee ragga, gaar ahaanna midka ka dhashay feyraska HPV.

Balse halista ugu weyn ee gudniinka aya ah dhiig bax iyo in qofku uu ku dhaco caabuq.

Gudniinku ma laga ogol yahay Yurub?

Gudniinka ragga ayaa ah mid sharciyan laga ogol yahay dalalka reer Yurub, balse in dhawaale waxaa soo baxayay muran ku saabsan arrinkaasi.

Maxkamad ku taal dalka Jarmalka ayaa sanadkii 2012-kii gudaha dalkaasi ka mamnuucday gudniinka ragga ka dib markii wiil yar oo afar sano jir Muslin ah uu dhibaato kala kulmay gudniin lagu sameeyay, waxaana garsooraha maxkamaddaasi uu sheegay in gudniinkaasi uu gebi ahaanba badalay jirka wiilkaasi.

Hase yeeshee dowladda Jarmalka ayaa xilligaasi ka dib sheegtay in gudniinka raggu uu yahay mid sharci ah balse ay tahay in ay sameeyaan dhakhaatiir xirfad u leh.

Sanadkii 2013-kii ayaa golaha midowga Yurub waxa uu soo jeediyay in waddamada reer Yurub ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in nadaafadda iyo arrimaha kale ee caafiimaadka la xiriira la ilaaliyo marka gudniinka la sameynayo.

Sanadkii 2016-kii ayaa maxkamad ku taal dalka UK waxa ay nin Muslin ah u diiday in uu gudo wiilashiisa, ka dib markii gudniinkaasi ay ka soo horjeesatay hooyadii dhashay wiilashaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here