Wax ka Ogow qalliinka lagu sameeyo carruurta aan dhalan

0
869

Wax ka Ogow qalliinka lagu sameeyo carruurta aan dhalan

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay qalliinka lafdhabarta looga sameeyo carruurta aan dhalan inuu ka mid noqonayo adeegga caafimaadka bilsashka ee muwaaddiniinta la siiyo.

Qalliinkan ayaa wuxuu yahay carruurta inta ay uurka hooyada ku jiraan oo ay dhalan in qalliin lafdhabarta looga sameeyo.

Wuxuuna qalliinkan ilmaha ka cawinayaa marka uu dhasho kaddib inuu ilmaha korriinkiisa iyo socodkiisaba ay noqdaan kuwa hagaagsan oo caafimaad qaba.

Waxaana adeeggan si bilaash ah in muwaaddiniinta Ingiriiska in loo siiyo la billaabayaa bisha April 2019-ka.

Dalka Britain sanad walba waxaa ku dhalata carruur ka badan 200 oo laf dhabarta cillad ka qabta. Cillaaddaasi oo ilmaha yar haddii aan laga qalin inta uu uurka hooyada ku jira ilmaha yar ku keeni karta inuu socon waayo ama qaarka dambe uu ka fadhiisto.

Hadda ka hor waxaa qalliinkan ilmaha lagu sameeyn jiray markay dhashaan kaddib balse waxay khubarada caafimaadka ogaadeen iney ka sii wanaagsan tahay ilmaha oo lagu qalo inta uu uurka hooyada ku jira si uu u dhasho isaga oo caafimaad qaba.

Marki ugu horreysayna qalliinka ilmaha uurka hooyada ku jira lafdhabarta looga sameeya waxaa la sameeyey sanadkan 2018-ka, waxaana marki ugu horreysay qalliinka looga sameeyey laba carruur ah isbitaalka jaamacadda London ay leedahay.

Qalliinkaasi oo wixii hadda ka horreeyey loo raadsan jiray waddama kale oo Ingiriiska ka baxsan.

Inkasta oo aan si buuxda loo ogaan waxa cilladda lafdhabarta ilmaha ay ka timaaddo haddana waxaa la sheegayaa iney keento maaddada aashatada Folex ee dhabarka ku jirta oo ilmaha ku yaraato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here