Wiil 8 jir ah oo ‘ka yaabiyay’ Seynis yahan caan ah

0
637

Wiil 8 jir ah oo ‘ka yaabiyay’ Seynis yahan caan ah

Wiilkan yar oo ka soo jeeda gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa safar 12 saacadood qaatay u galay si uu ula kulmo nin Seynis yahan ah oo uu aad u jecel yahay.

Ajay Sawant ayey u suurta gashay inuu la kulmo Seynis yahankan xiddiga ka ah barta Youtube-ka oo lagu magacaabo Sir Martyn Poliakoff, ka hor inta uusan qoyskiisa fasax ula aadin magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Prof Poliakoff, oo saldhigiisu uu yahay jaamacadda magaalada Nottingham ee waddanka Ingiriiska ayaa wiilkan yar ee aadka u taageero tusiyay qeyb ka mid ah waxyaabaha la xiriira falgalka seyniska iyo falcelinta ee maadada kimistariga.

Ajay hooyadiis oo lagu magacaabo Anjli ayaa sheegtay in wiilkeeda “ay u rumowday riyo uu lahaa”.

Seynisyahankan oo ku dhawaad 40 sano ku sugnaa magaalada Nottingham, isla markaana sannadkii 2014-kii abaal marin ku helay waxyaabaha uu kusoo kordhiyo maadada Kimistariga, waxaana malaayiin daawadeyaal ah uu ku leh Youtube-ka, halkaasi oo uu soo dhigo muuqaallo ku saabsan wax qabadkiisa.

Waxay muuqaalladiisa markii ugu horreysay internet-ka soo galeen sannadkii 2008-dii, wuxuuna Youtube-ka ku leeyahay macaamiil ay tiradooda gaareyso 1.1 malyan oo ruux.

Ms Anjli ayaa sheegtay in wiilkeeda uu aad u daawado muuqaalladaasi, uuna sannadkan munaasabadda ciidda masiixiyiinta jecleystay inuu farxad ahaan u helo la kullanka Seynis yahanka halyeygiisa ah.

“Ajay ma joojin karo hadallada ku saabsan Kimistariga, wuxuuna uga sheekeeyaa qof walba oo dhageysta, sidoo kale na wuxuu dadka uga yaabiyaa waxyaabaha uu ka bartay muuqaallada uu daawado”, ayey tiri hooyada dhashay wiilkaasi yar.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan u rumeynay riyadiisii ahayd inuu la kulmo Seynis yahanka uu ku riyoon jiray”, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Wiilkan mid ka mid ah riyooyinkiisa ugu waaweyn waxay ahayd inuu la kulmo Sir Martyn PoliakofLahaanshaha sawirkaALEX WILKINSON MEDIA
Image captionWiilkan mid ka mid ah riyooyinkiisa ugu waaweyn waxay ahayd inuu la kulmo Sir Martyn Poliakof

Prof Poliakoff, oo walaalkiis uu yahay heesaa caan ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay la kullanka Ajay uuna “la fajacay” sida uu wiilkan yar u daneeyo seyniska, gaar ahaan maadada Kimistariga.

Wuxuu sheegay in sida muuqata wiilkan uu noqon doono Seynis yahanka mustaqbalka.

“Kimistariga waa shey si dabiici ah loo daneeyo oo xiiso leh, muuqaallada aan soo sameynana waxaan ugu tala galnay inaan dadka ugu dhiirri galino sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen howlaha seyniska”, ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here