Arday Shiinees ah oo sumeeyay saaxiibkiis oo Ameerikaan ah

0
578

Arday Shiinees ah oo sumeeyay saaxiibkiis oo Ameerikaan ah

Arday Shiinees ah oo maaddada kimistariga ka dhigta jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa isku dayay inuu sumeeyo wiil Afrikaan Ameerikaan ah oo qolka la deggaanaa dhowr bilood kahor, sida ay dacwad oogayaashu sheegeen.

Yukai Yang ayaa lagu eedeeyay isku day dil waxaana la xiray maalintii shalay ahayd.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in cuntada iyo cabitaanka Juwan Royal uu ku daray maaddada thallium. Royal ayaa weli la xanuunsan dhibtii soo gaartay.

Yang ayaa qirtay inuu kiimikada soo iibsaday balse wuxuu sheegay inuu doonayay inuu asaga shakhsi ahaan isticmaalo. Waxaa sidoo kale wiilkan lagu xukumay inuu qoraallo cunsurinnimo ay ku dheehan tahay uu ku xardhay derbiga qolkooda.

Sumeyntan ayaa la sheegay inay dhowr bilood kahor dhacday, markii Royal, oo ay isla dhiganayeen Jaamacadda Lehigh oo ku taalla degmada Pennsylvania, uu isbitaalka tegay isagoo sheegay inuu dareemayo dawakhsanaan, iyo inuu matagayo isla markaana uu qarqaryo dareemayo.

Yang ayaa sidoo kale qirtay inuu Internet-ka ka iibsaday maaddada thallium iyo kiimiko kale, balse wuxuu sheegay inuu doonayay “inuu qudhiisa isticmaalo haddii uu imtixaanka ka keeno natiijo hoose “, sida uu sheegay madaxa degmadaasi John Morganelli.

Sida uu Morganelli sheegay, “Royal ayaa dareemay xanuun daran, jirka oo huraya iyo suuxsanaan, taas oo sababtay in daaweyn xooggan loo sameeyo.”

Wuxuu intaas ku daray in sumeyntu ay saameyn daran ku yeelatay bukaanka ilaa iyo haatan.

ChinaLahaanshaha sawirkaFACEBOOK/LEHIGHU
Image captionLabada arday ayaa muddo dheer wada degganaa

Maaddada thallium oo aan midab iyo ur toona lahayn ayaa saameyn ba`an ku yeelan karta bani`aadamka. Waxaa sidoo kale loo isticmaali jiray in lagu sumeeyo jiirka, waxayna haatan qayb ka tahay sameynta qalabka korontada.

Yang ayaa haatan loo haystaa eedeymo ah inuu qoraallo cunsurinnimo ah ku qoray darbiga qolkooda.

Booliiska ayaa sheegay inay baaritaan kaddib ogaadeen in farta uu qoray ardayga Shiineeska ah.

Labadan arday ayaa muddo dheer qol isla degganaa, iyadoo Royal uu u qaatay inay saaxiibbo yihiin ilaa uu ka arkay natiijada sheybaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here