DEG DEG : Madaxwaynaha Dawlad Degaaanka itobiya Mustafe Cag-jar Ayaa Socdaal Ku yimi Magaalada Wajaale+Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hor Tagay

0
868

DEG DEG : Madaxwaynaha Dawlad Degaaanka itobiya Mustafe Cag-jar Ayaa Socdaal Ku yimi Magaalada Wajaale+Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hor Tagay

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ugu baxay magaalada Wajaale ee xuduuda u dhaxeysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya

Madaxweyne Biixi   ayaa magaalada Wajaale waxaa uu goor dhaweyd kula kulmay o madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar  oo isna safar kaga soo kicitimay caasimada deegankiisa ee Jig jiga

Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa Addis Ababa kula kulmi jiray madaxda dawladda  faderaalka Itoobiya, hase ahaatee kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex-mara madaxweyneyaasha Somaliland iyo madaxweyne ka tirsan deeganka  Soomaalida  Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here