Guddoomiye Mursal Oo Dalbaday In Lasiidaayo Muqtaar Roobow Kuna Baaqay In Dib Loo Dhigo Doorashada

0
579

Guddoomiye Mursal Oo Dalbaday In Lasiidaayo Muqtaar Roobow Kuna Baaqay In Dib Loo Dhigo Doorashada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow waxa uu shir Jaraa’id ku qabtay Hotelka Shabeelle oo uu maalmihii dambe deganaa,waxaana uu ka hadlay xaaladaha Koonfur Galbeed iyo xariga Muqtaar Roobow.

Waxa uu soo hadal qaaday musharaxnimada Muqtaar Roobow oo ay dhawaan xirtay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxana uu sheegay in Muqtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa musharaxnimadiisa,isla markaana uusan sharci aheyn xarigiisa.AKHRISO

Banaanbaxyo ka socda degmada Bardaale ee Gobolka BaayDec 15, 2018

Michael Keating : “Waxaan tuhunsanahay inuu Madaxweyne Farmaajo ka badbaadi doono Mooshinka…Dec 15, 2018

AMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo MuqdishoDec 15, 2018

Waxa uu sheegay in  la baal maray Dastuurka dalka,isla markaana uu qabo in Warqad Maxkamadeed qofka lagu soo xiro karo balse taasi aysan dhicin.

Shacabka koonfur Galbeed ayuu sheegay inay iyaga rabitaankooda leeyihiin,isla markaana ay horay uga digeen waxa hadda ka socda Magalada Baydhabo,waxaana Shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada iyo xasiloonida.

Waxa uu markii ugu horeysay cadeeyay in isaga Xildhibaanada qaarkood loo diiday inay u soo gudbaan halka uu degan,waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yihiin kuwa xur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here