Ciidamo dili rabay Raisal wasaare Abiy oo la xukumay

0
705

Ciidamo dili rabay Raisal wasaare Abiy oo la xukumay

Wasaaradda gaashaandhigga ee dolwadda Itoobiya ayaa sheegtay ciidama Kumaandoos ah oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada madaxtooyada oo damacsanaa iney ra’isal wasaaraha Khaarijiyaan in xabsi lagu xukumay.

Wasaaradda gaashaandhigga oo shir jaraa’id qabatay aya waxay sheegtay 66 askari oo Kumaandoos ah oo ka mid ah 200 oo askari iyaga oo hubkooda sita fasax la’aan madaxtooyada ku galay lagu xukumay 5 ilaa iyo 14 sano oo xarig ah.

Madaxa maxkamadda ciidamada Gaashaanle Meshesha Areda oo ay wehliyaan xeer ilaaliyaha iyo qareenka u doodaya ciidamada oo shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay maxkamaddu iney xukunkaasi ku gaartay fadhi maxkamadeed oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 500 qof.

Sida oo kale ciidamada iyaga oo hubkooda sita fasax la’aan madaxtooyada galay waxaa laga qaaday tillaabbooyin sharci ah oo waafaqsan nidaamka anshaxa ee ciidamada u yaallo.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda seddex xiddigle Hayle maaryam maamo ayaa wuxuu sheegay ciidamadaas in laga qaaday tallaabbo sharci ah oo cashar u noqon karta ciidamada dalka ee falalka noocaasi ah ku dhaqaaqa.

Qareenka ciidamada u doodayey Desalegn Daka wuxuu isna sheegay geeddi socodka dacwadda ciidamadaasi ilaa iyo xukunka in loo maray waddadi saxda ahayd oo waafqsan dastuurka dalka iyo shuruucda maxkamadda ciidamada dalka u yaalla.

Warbaahinta qaar ee sheegay in ciidamada si aan sharci ahayn xukun looga qaaday ayna tallaabbadaasi mid khaldan waxay ku doonayaan ayuu yiri iney sumcadda ciidamada dalka wax u dhimaan arrimaha noocaasi ahna loo baahan yahay iney idaacadahaasi ka waabtaan.

Ra’isal wasaare Abiy muxuu ciidankaasi ka yiri?

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in qaar kamid ah askartii todobaadkii hore soo hor dhoobatay xafiiskiisa ay doonayeen in ay asaga dilaan.

Abiy Axmed
Image captionAbiy Axmed

Xilligaas oo uu xaaladdii baddalay asagoo amar ku siiyey in ay xabadka dhulka dhigaan oo ay jimicsi sameeyaan asna uu la sameeyey.

Mr Abiy iyo askarta ayaa la arkayey ayagoo wada qoslaya balse waxa uu baarlamaanka u sheegay “Qalbi ahaan in aanu faraxsanayn”

Tani iyo marki la doortay ra’isul wasaaare Dr Abiy Axmed, waxaa uu sameeyey isbaddalo dhowr ah oo waaweyn wuxuuna sheegay in ciidamada qaar ay doonayeen in ay marinka ka weeciyaan.

“In qaar ciidamada kamid ahi ay socod ku tagaan madaxtooyada [xafiiska Ra’isul Wasaaraha] ma ahayn oo kaliya sharci darro balse waa arrin khatar ah, sababtoo ah ujeedadu waxay ahayd in isbadallada socda ay dhicisoobaan” ayuu ka yiri Mr Abiy kulan ay baarlamaanku su’aalo ku waydiinayeen.

” isla waqtigaas, markii xaaladda la xakameeyey kadib, waxaan maqlay ciidamada qaar oo leh: “wuu cararay intii aanan dilin ka hor.”

Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed
Image captionRa’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Labada falcelis ee Abiy

Dad badan ayaa la yaabay sida uu Raisul Wasaaruhu arrintan uga hadlay todobaadkan oo ka duwan sidii uu todobaadkii hore uga jawaabay dhacdadaas.

Waxaa la arkayey asagoo qoslaya oo dhoollo caddaynaya, balse waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu “Caraysnaa oo uu cabsanayey”.

Waxa uu sheegay in uu ka baqay in uu dagaal qarxo ayadoo buu yiri ” dad dhalinyaro ah … ay soo aadeen [Addis Ababa] si ay dagaal u kiciyaan”

Dhanka kale, waxaa jira dareen ah in dadka qaar aanay ku faraxsanayn isbadalladiisa.

Ra’isu wasaaraha ayaa horay u sheegay in ay jiraan “xoogag” aan oggolayn isbadallada uu samaynayo.

Eraygaas ayuu adeegsaday mar uu ka hadlayey iskuday kale oo la sheegay in la doonayey in lagu dilo iyo sidoo kale mar uu ka hadlayey rabshadaha qawmiyahada salka ku haya ee ka dillaacay qaybo kamid dalka.

Abiy Axmed
Image captionAbiy Axmed

Xaalad dareen dhalisay

10-kii October, dhowr boqol oo ciidamo gadoodsan ah, oo qaar kamid ah ay hubaysnaayeen, ayaa tagay xafiiska Ra’isul Wasaaraha – sida la sheegayna dalbanayey in mushahaarka loo kordhiyo.

Xalaaddaas ayaa dhalisay dareen, taas oo keentay in la xidho waddooyin aaggaas kuyaal khadka internet-kana la jaro muddo saacado ah.

Mr Abiy oo khamiistii xildhibaanada la hadlayey, ayaa sheegay in haddii aanu amarka jimicsiga bixin lahayn ” ay xaaladda oo idil cirka isku shareeri lahayd … dadka qaar ayaa u arkayey Jimicsiga aanu samaynnay wax iska caadi ah. Balse, waxaan u adeegsannay in aanu xaaladda ku xakamayno”

Tan iyo markii uu xukunka qabtay bishii April, Mr Abiy waxa uu sameeyey isbaddalo waaweyn – oo ay kamid yihiin in uu xabsiga kasii daayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnaa, in uu xayiraadda ka qaado kooxihii mucaaradka ahaa iyo in uu heshiish nabadeed la saxiixdo Eritrea oo ay muddo dheer cadaw ahaayeen.

Bishii hore, dacwad oogayaasha Itoobiya ayaa shan ruux oo la tuhunsan yahay ku eedeeyey argagixisnimo ku aaddan iskuday la doonayey in lagu dilo Mr Abiy oo loo adeegsaday bambo gacmeed oo lagu qaaday isu soobax dadweyne oo dhacay bishii June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here