Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Rasaas Ciidamada isbaheysanaya ay ku fureen dadka Bananabaxa ka dhigaya Baydhabo.

0
638

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Rasaas Ciidamada isbaheysanaya ay ku fureen dadka Bananabaxa ka dhigaya Baydhabo.

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya khasaraaha ka dhashay rasaas ay Ciidamada isbaheysanaya ku fureen dadka Shacabka ah ee wada Mudaharaadyada ka dhanka ah Xariga Musharax Mukhtaar Rooboow.

Inta la ogyahay hal qof, ayaa ku geeriyooday Rasaasta ay Fureen Ciidamada, waxaana sidoo kale ay dhaawcayo soo gaareen Saddex qof oo kale, Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxey kamid ahaayeen taageerayaasha Rooboow.

Rasaasta, ayaa timid kadib markii SHacabka careysan ay dhagxaan ku tuureen gawarai ay wateen Ciidamada Somalida iyo kuwa Itoobiyaanka, waxaana markii danbe loo adeegsaday rasaas Nool Nool, Qoriga Dhashiikaha ayey dadka qaar sheegayaan in la adeegsaday.

Rasaasta, ayaan banaanbaxayaasha ka hor istaagin iney rabshadaha sii wadaan, waxaana xaalada baydhabo ay isku badaleysaa markan furin dagaal, Maadaama la arkayo dad kala duwan oo qoryo wata.

Sidoo kale, waxaa magaalada ka socda kulamo xal loogu raadinayo Xaalada, iyadoo dadka qaar ay sameynayaan barakac xoogan, maadaama arinta ay cakirantahay.

Sidoo kale, waxey xiisada saameysay xubnaha beesha caalamka ee magaalada ku sugnaa, Kuwaasoo bilaabay iney u dhowaadaan garoonka Shaati Guduud, si ay Muqidhso ugu soo duulaan inta arinta meel u dheceyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here