Xukuumadda oo markii ugu horeysay ka hadashay mooshinka madaxweynaha

0
584

Kadib aamusnaan maalmo dhawr ah, xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay markan go’aansatay in ay ka jawaabto mooshinka kalsooni kala laabashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay soo fariistay taleefishinka dowladda ee SNTV, kadibna bixiyay wareysi si toos ah u baxayay, kaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay ay ahaayeen mooshinka.

Mudane Mahdi ayaa mooshinka la keenay ku tilmaamay ‘Hal xaaraan ah’, wuxuuna intaas ku daray in aysan dhalaynin ‘nirig xalaal ah’, isaga oo taas ku fasiray in markii hore ee mooshinka la qabtayba uu ahaa mid aanan sax ahayn maadaamaa uu yiri ‘waxaa laga been abuurtay xildhibaano aanan saxiixin’.

Dhanka kale wasiirka waxbarashada oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna xalay dhankiisa kasoo muuqday dood ka baxaysay taleefishinka Universal, isaga oo si adag u difaacay madaxweynaha.

Xildhibaanadii mooshinka keenay qaarkood oo doodda fadhiyay, ayaa iyagu ku adkaystay in mooshinka uu sax yahay.

Guddoomiyaha ka guurey Villa Soomaaliya

Jawaabta xukuumadda ayaa timid xilli ay u egtahay in wadahadal lagu maareyn waayay khilaafka jira kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka guurey xarunta Villa Soomaaliya oo uu degenaa.

Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshe lagu sugayo nabagelyada Muqdisho

Mursal waxa uu degey hoteel Shabeel oo ku dhegen Hotel Safari, waxaana jirta in ciidamadii AMISOM ee illaalinayay aysan guddoomiyaha raacin, inkasta oo la sheegay in ay maanta ka dabo tagayaan.

Warqad uu guddoomiyaha ku saxiixanyahay ayay shalay xildhibaanada u qeybiyeen warbaahinta, waxaana warqadda lagu sheegay in mooshinka uu weli sidiisii yahay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada madaxweynaha taageersan ayaa guddoomiyaha ku eedeeyey in uu degey xarun ay mucaaradka degenyihiin, balse weli guddoomiyaha lagama hayo wax hadal ah illaa iyo maalinkii uu qabtay mooshinka.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi oo ka hadlay guuritaanka guddoomiyaha ayaa sheegay in u u xor u yahay meesha uu degayo, balse ay isaga la tahay in dayactir ka socday xarunta Villa Hargeysa darteed uu u guurey.

Waxaa wax laga weeydiiyay eedeymo ay soo jeediyeen xildhibaanada mooshinka wada oo ahayd in guddoomiyaha loo diiday in ay u tagaan xildhibaanada, wuxuuna sheegay in taasi aysan waxbo ka jirin, “Villa Soomaaliya waa xafiiskii madaxweynaha, waa hoygiisii, anaga oo dhan isaga ayaan marti ugu nahay, ciddii galaysana waa in ay martaa nidaamka xaqiijinta amniga, Ra’isulwasaaraha xitaa mararka qaar ayaa lagu celiyaa albaabka, aniga xitaa waa igu dhacdaa, waa arrin iska caadi ah” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here