Kenya oo Joojineysa ruqsada shaqada ee ajaaniibta ku sugan dalkeeda

0
624

Kenya oo Joojineysa ruqsada shaqada ee ajaaniibta ku sugan dalkeeda

Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga kenya Fred Matiang’i ayaa soo saaray amar lagu joojinayo ruqsado shaqo ee gudaha kenya ay uga shaqeeynayaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan magaalooyinka.


Matiang’i ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya laga doonayo dadka ajnabiga ah in ay soo codsadaan ruqsada shaqo oo ay ku shaqeynayaan ka hor inta aysan usoo duulin magaalada Nairobi.


Waxaa uu sheegay in aysan diidaneyn in safar lagu yimaado kenya balse ay ka soo horjeedaan in qaab sharci daro ah dadka ajnabiga ah ay uga shaqeeyaan kenya.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay kadib xaflad balaaran oo lagu daahfurayay machadka barashada cilmiga socdaalka oo lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Laba bil ka hor ayey aheyd markii ajaaniib soomaali ay ku jirto lagu xirxiray magaalada mombasa iyo Nairobi kuwaasi oo lagu eedeyay in si sharci daro ah ay ugu ganacsanayeen Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here