Ciidamada Kenya oo qabtay nin Somali ah oo lagu tuhmaayo wax ka ogaanshaha afduub loo gaystay haweenay Talyaani ah

0
673

Ciidamada Kenya oo qabtay nin Somali ah oo lagu tuhmaayo wax ka ogaanshaha afduub loo gaystay haweenay Talyaani ah

Ciidamada  ammaanka ayaa xiray mid ka mid ah saddex tuhmane  oo lala xiriirinaayo afduubka haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga oo aheyd  shaqaale gargaar  laguna magacaabi jiray Silvia Romano.

Ibrahim Adan Omar, oo madaxiisa horay loo dul dhigay  Sh 1 million oo lacagta Kenya ah ayay ciidamada ammaanka qabteen ka dib howlgal gaar ah oo ay fuliyeen, waxaana sidoo kale ay soo qabteen xubno kale oo ay ku tuhmaayaan in ay ka dambeeyeen Afduubkaasi.

Booliska Gobolka Waqooyi Bari waxa ay sheegeen in Ibraahim uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay in haweenaydaasi la Afduubto si ay Madax furasho ay kaga qaataan.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale baadi goobaya wali ,Yuusuf Kuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi kuwaasoo lagu eedeeyay inay haweeneyda Talyaaniga ah kasoo qafaasheen goob ay ka shaqaynaysay oo ku taala magaaladda Kaliffi la yiraahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here