RASMI : Wada hadal xal loogu raadinayay Xiisada u Dhaxeysa Farmaajo iyo Mursal oo fashilmay

0
538

RASMI : Wada hadal xal loogu raadinayay Xiisada u Dhaxeysa Farmaajo iyo Mursal oo fashilmay

Waxaa wali xal laga gaarin xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, mooshinkan ayaana jahwareer ka dhax abuuray dowlada dhaxdeeda.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu soo waramayaa in wali uu ku jiro go’doomin siyaasadeed, waxaana fashilmay wadahadalo xal loogu raadinayay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulamo kala duwan shalay la qaatay Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna gudoomiyaha xal u raadinayay xiisada taagan.

Kulan dhax maray Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kan aqalka sare ayaa looga hadlay arimaha keenay xiisada siyaasadeed iyo sidii xal looga gaari lahaa , waxaana labada dhinac si qoto dheer uga wada hadleyn xiisada taagan.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa u gudbiyay Gudoomiyaha Aqalka sare cabasho ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka, waxa uu sheegay Mursal in loola dhaqmay si xushmad daro ah.

Mursal Waxa uu u sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare in Madaxtooyada saartay go’doomin loona diiday in uu la kulmo Xildhibaanada sidoo kale cadaadis xoogan iyo xanibaad la saaray howlwadeenada xafiiskiisa .

Sida aan wararka ku heleyno Gudoomiye Mursal ayaa ku adkeesanaya go’aankii uu kusoo celiyay guddig maaliyadda, waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha golaha shacabka ku adkeesanayaa in mooshinka laga gudbiyay Farmaajo sax yahay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxa uuna kala hadlay cabashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo sidoo kale go’aanada uu ku adkeesanayo.

Wadahadalo dhax maray Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa markii dambe lagu kala tagay, waxa ayna labada dhinac ku balameen in isku soo laabtaan wada tashiyana ka yeeshaan sida xal loo heli karo.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa wali ku mashquulsan sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare, waxa uuna gudoomiyaha wali isku dayayaa in labada dhinac u kala dab qaado.

Sidoo kale Xildhibaano is xilqaamay una istaagay in xal laga gaaro xiisada siyaasadeed ee taagan ayaa ku fashilmay in xal u helaan buuqa siyaasadeed ee taagan, waxa ayna Xildhibaanada siyaabo kala ula kulmeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa u muuqda mid sii adkaanaya ayna adag tahay in si fudud lagu xaliyo, waxa uuna khilaafkan saameyn xun ku yeeshay Hay’adaha dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here