Xuutiyiinta Yemen oo ka horyimid in la furo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca

0
625

Xuutiyiinta Yemen oo ka horyimid in la furo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca

Dagaal yahanada Xuutiyiinta ayaa ka horyimid dalab ka dowlada Yemen ay soo gudbisay oo ahaa in la furo garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca.

Saraakiisha xuutiyiinta ee ku sugan shirka Swedan ayaa waxay sheegeen in dalabkaan uusan ka mid aheyn mid la raaci karo iyada oo la heegayo heerar caalamiga ah.

Dowlada Yemen ayaa sheegtay in arintaan ay oga gol leedahay sidii adeega garoonka ay uga faa,ideysan lahaayeen shacabka ay dhibaatada heysato.

Garoonka diyaaradaha ee Sanca ayaa waxaa gacanta ku haya kooxda xuutiyiinta tan iyo sanadkii 2014-kii iyadoo marar badan ay duqeymo ka geesteen diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga sacuudiga iyo imaaraadka carabta.

Marwan Dammaj oo ka mid ah wafuuda dowlada yemen ee ka qeyb galaya shirka nabada Yemen ayaa sheegay in sababaha ay u tageen magaalada Rimbo ay qeyb ka tahay sidii xal looguu keeni lahaa xirnaashiyaha madaarka diyaaradaha ee magaalada Sanca.

Dhanka kale mr Dammaj ayaa tilmaamay in shirka nabada ay uga qeyb qaadanayaan iyaga oo eegaya danaha shacabka balse aysan u tagin Sweden in ay abaal marin siyaan dagaalyahanada Xuutiyiinta.

Shirka nabadeynta wadanka Yemen oo garwadeen ay ka tahay qaramada midoobay oo furmay maalintii khamiista ayaa ilaa iyo hada aan laga gaarin heshiisyo muhiim ah oo dhexmaray garabyada isku haya Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here