7,400 oo haween ah oo si qasab ah loogu guursaday gudaha Shiinaha

0
553

7,400 oo haween ah oo si qasab ah loogu guursaday gudaha Shiinaha

In ka badan 7,400 oo haween ah oo u dhashay wadanka Myanmar ayaa si qasab ah waxaa ku guursaday rag shiinees ah sanadihii 2013-kii ilaa 2017-dii sida lagu sheegay daraasaad cusub oo la shaaciyay Jimcada maanta.

Dumarkaan ayaa dhanka kale badi waxaa lagu qasbay in ay caloosha ku qaadaan ilmo iyaga oo aan awoodin sida uu shaaciyay machadka caafimaadka dadweynaha ee Johns Hopkins Bloomberg.

Dumarkaan ayaa rag ka ganacsada dadka sharci darada waxay galiyaan gobolada shiinaha iyagoo deetana ka iibsanaya raga doonaya.

Dalka shiinaha oo sharci ahaan ay u degsan tahay in muwaadin walba uu dhali karo hal cunug oo kaliya ayaa waxay dhalisay in raga dalkaas ay saameyn xoogan ku yeelato.

Raga shiinaha ayaa waxay ka badan yihiin dumarka iyadoo qaar ka mid ah raga ay bilaabeen in si aan sharci aheyn ay haween sharci daro ah uga soo kaxeystaan dalalka Deriska la ah shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here